golis

Waddooyin ku xirmey dagaaladii Gaalkacyo oo dib loo furay

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geele Xaaf, taliyaha ciidanka Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya Cabdiweli Jaamac Gorod iyo Taliyaha ciidanka difaaca Puntland Siciid Maxamed Xirsi ayaa si wada jir ah maanta u furay waddooyin ku xirmey dagaaladii ka dhacay Gaalkacyo.

Furidda waddooyinka ee maanta oo Sabti ah dhacdey ayaa daba socdey shir maalintii shalay ka dhacay Hotel Ambbesy Koonfurta Gaalkacyo shirkaas oo uu furey Madaxweynaha Galmudug Xaaf, waxaana uu ku sheegay in uu yahay gogol lagu dhammeystirayo nabadda Gaalkacyo.

Saddexda masuul oo wada socda ayaa bilaabay in ay gacantooda ku qaadaan dhagaxaan waddooyinkaas lagu gooyey, waxaana ay bilow u ahayd barnaamij la sheegay in lagu taabo gelinaayo nabadda Gaalkacyo.

Magaalada Gaalkacyo ayaa qaybsan, waxaana ka wada taliya maamulada Puntland iyo Galmudug. Kadib heshiisyadii nabadda waxaa bariga Gaalacyo ka dhacay dagaalo dad badan ku geeriyoodeen. Dadka khibradda u leh nabadda Gaalkacyo ayaa sheegaya haddaan la helin maamul mideysan oo Gaalkacyo yeelato in aan xal waara laga gaareyn nabadda Gaalkacyo.

Horseed Media