Raysal Wasaare ku xigeenka dalka oo daah-furay qalab qashinka iyo carrada looga saarayo dekadda Muqdisho

Published: January 1, 2018

Raysal Wasaare ku xigeenka dowladda federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamad Guuleed ayaa daah-furay qalab casri ah, kaasi oo saaraya qashinka iyo haraadiga maraakiibta ku bur-burtay biyaha badda.

Goobta lagu daah-furayay qalabka ayaa waxaa ku sugnaa wasiirka dekadaha iyo gaadiidka badda Marwo Maryan Aweys Jaamac, mareeyaha dekadda ee shirkadda Albeyrak iyo Raysal Wasaare ku xigeenka dalka

Qalabkan ayaa ah mid muhiimad gaar ah u leh dekadda Muqdisho, taasi oo maraakiibta xamuulka ah ay ku soo xiran karaan, islamarkaana dakhli xoogan ka soo xaroon doona

Raysal Wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed ayaa sheegay in ay ku faraxsan yihiin in ay daah-furaan qalabka carro iyo qashin saarka dekadda Muqdisho.

Mareeyaha dekadda ee shirkadda Albeyrak Sami Oran ayaa sheegay in ay bilaabi doonaan nidaamka carro saarka ee dekadda Muqdisho.

Maryan Aweys Jaamac wasiirka dekadaha iyo gaadiidka badda ayaa dhankeeda tilmaantay in hadda ay gacanta ku hayaan nidaamkii lagu maamuli lahaa maaliyadda iyo qaabkii loo jiheyn lahaa Maraakiibta dekadda ku soo xirta.

Qalabka ayaa loo diyaariyay shaqaalo loo tababaray bixinta maraakiibtii ku bur-burtay dhowr iyo labaatan sano ka hor biyaha Soomaaliya.

Horseed Media 2018

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *