Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowladda Soomaaliya oo gaaray Magaalada Doolow

Published: January 1, 2018

Mudane Cabdi Faarax Juxa wasiirka arrimaha gudaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa gaaray magaalada Doolow oo ku taala xadka Soomaaliya iyo Itoobiya

Wasiirka ayaa waxaa safarkiisa ku wehliya xildhibaano iyo taliyaha laanta socdaalka Maxamad Aadan Jimcaale Koofi waxaana si weyn u soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka degmada iyo bulshada qeybaheeda kale duwan.

Wasiirka iyo mas’uuliyiinta la socotay waxaa lagu wadaa in ay sidoo kale tagaan magaalada Beled Xaawo oo ku taal xadka kala qeybiya Soomaaliya iyo Kenya, waxayna u kuur galayaan muranka ka taagan Beledxaawo oo la sheegay in ciidamada Kenya ay ka dhisayaan darbi.

Wafdiga wasii Juxa ayaa warbixin ka dhegaystay maamulka degmada Doolow oo kaga warbixiyay xaaladda guud ee degmad iyo arrimaha amniga.

Kulan ay ku yeesheen magaaladda Muqdisho guddiga difaaca ee golaha shacabka ayaa waxa ay kaga hadleen arinta ku saabsan derbiga dowladda Kenya ay ka dhiseyso xadka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya.

Horseed Media 2018

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *