Guddiga Doorashooyinka Puntland oo Markale Muddo Kordhin Sameystay

Published: January 3, 2018

Guddiga ku meel gaarka ah ee doorashooyinka Puntland ayaa muddo bil ah ku kordhiyey xiliga isdiiwaan gelinta ururada siyaaasadda ee Puntland, kadib shir jaraa’id oo ay ku qabteen xarunta ay ku leeyihiin magaalada Garowe.

Guddiga ayaa ugu baaqay siyaasiyiinta raba in ay sameystaan urur siyaasaded in ay ka faa’ideystaan mudada lagu kordhiyey xiliga isdiiwaan gelinta.

Sidoo kale guddiga ayaa sheegay in ay soo dhammaatay xiligii hore ee loo qabtay in ururada isku diiwaan geliyaan taasi oo ku ekayd 31 bishii December 2017, iyadoo ilaa iyo hadda ay isdiiwaan geliyeen 4 urur oo kaliyah.

Guddiga ayaa soo bandhigay ururada horey isku diiwan geliyey oo kala ah Ubax, Himilo, Garsoor iyo Umadda

Hoos ka akhriso qoraalka ay soo saareen guddiga doorashooyinka Puntland.

Horseed Media 2018

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *