Madaxweynaha Puntland oo dib u furay Wadooyinkii Kala Xirnaa ee Magaalada Gaalkacyo-Sawiro

Published: January 3, 2018

Madaxwaynaha Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa waxaa uu baneeyey waddooyin kala xirnaa magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Madaxwaynaha Puntland ayaa waxaa ku wehlinayay banaynta waddooyinkaasi maamulka labada dhinac ee gobolka Mudug iyo degmada Gaalkacayo, mas’uuliyiin ka tirsan golayaasha Puntland, saraakiil ka tirsan madaxtooyada, ganacsato, waxgarad, mas’uuliyiin ka socday maamulka Galmudug, taliska ciidanka isku dhafka Soomaaliyeed, taliya ciidamada Puntland iyo qaar ka mid ah saraakiisha ciidamada Puntland iyo Galmudug.

Madaxwaynaha Puntland ayaa ugu horeyn qaaday jid gooyadii ugu horeysay ee goobtaasi waxaana ay ahayd jawaano ciid ah oo la tuuray wadooyinka soo gala suuqa weyn ee magaalada Gaalkacayo, kala xidhnaanta ganacsiga magaalada Gaalkacayo ayaa waxa ay carqalad ku ahaayeen ganacsiga, horumarka iyo nabadda guud ahaan gobolka Mudug, xirnaashaha wadooyinkaan ayaa waxaa sabab u ahaa dagaaladii ka dhacay magaalada kuwaas oo inta badan udhexeeyay shacabka walaalaha ah ee kuwada nool magaalada Gaalkacayo.

“Wanaag badan ayaa ii muuqda sharaf bayna nootahay in aan maanta bartamihii suuqa Gaalkacayo isugu nimaadno caqabadihii udanbeeyay oo taagnaa oo ahaa ciidda ladhoobay iyo kala xirnaanta ganacsiga in aan dhamystirno, shaqadii ay bilaabeen Madaxwayne Xaaf iyo Janaral Cabdiweli Jaamac Gorod iyo janaralada halka inala taagan iyo maamulka degmo ee Gaalkacayo iyo gudoomiyayaasha golka dhammaantood aad ayay umahadsanyihiin shaqa fiican ayay bilaabeen dhamystirkii weyaan anigu wax aan maanta meesha ujoogaa dad badan oo samaha jecel ayaa hawshaan ka qayb qaatay oo ay ugu horeeyaan oday yaasha ganacsatada”. ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

“Waxaan rajaynayaa cidwalbi in ay wanaagaas ka qay qaadato, ganacsade raba in uu iibsado bakhaarkiisa oo irsaaqad raadinaya hadana in ciidi ay utaal maaha wax sax ah, waxaan rabnaa marka meelkasta iyo jid kasta oo xiran oo Gaalkacyo ah waa in lafuraa maamulka gobolka kan degmada ciidamada dhammaantood amar ayay uqabaan in ay furaan cidna in aan loo tixgelin cidii caqabad kunoqota nabadgelyada iyo horumarka Gaalkacayo gacan bir ah in lagu qabto weeyaan”. ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

“Ciidankii Booliiska ee isku dhafka ahaa waa joogaa labada dhinacba, waa joogaan ciidankii milateriga ahaa meeshii ay degi lahaayeen waanu u astaynay waxaan rabnaa in lala shaqeeyo oo lagarab qabto oo lagu taageero nabada ay kashaqaynayaan waxaa laga shaqaynayaana waa horumarkiina, ganacsigiina, waa in ilmihiinu nabad wax ku bartaan. ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

Ugu danbayn Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa kula dar-daarmay kuna booriyey shacabka magaalada Gaalkacyo in ay ka wada shaqeeyaan nabad gelyada, horumarka iyo xasiloonida magaaladooda, isla markaana ay u hogaan sanaadaan ciidamada ka shaqaynayaa amnigooda iyo xasiloonidooda.

Faafin Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *