Madaxweynaha Puntland oo kormeer ku tagey Garoonka diyaaradaha ee Garowe-Sawiro

Published: January 5, 2018

Madaxwaynaha Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa kormeeray Garoonka diyaaradahaa magaalada Garoowe oo dhismihiisu soo gaba-geboobay.Kormeerka ayaa waxaa Madaxwaynaha ku wehelinayay Wasiirka wasaarada duulista iyo hawada ee Puntland, wasiir ku xigeenka wasaaradaasi, maamulka gobolka nugaal, kan degmada Garoowe, masuuliyiin isugu jiray wasiiro, xildhibaano, saraakiil katirsan Madaxtooyada dawladda Puntland, iyo masuuliyiin kale.

Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ugu horeyn soo kormeeray dhammaan dhismaha garoonka, isagoona Madaxwaynuhu dul istaagay qaybaha uu ka koobanyahay garoonka cusub, madaxwaynaha, ayaa xog waraystay shaqaalaha ka shaqeeya dhismahaasi, sidoo kale Madaxwaynaha ayaa ku ammaanay mas’uuliyiinta wasaarada duulista iyo hawda ee Puntland sida wanaagsan ee ay uga soo baxeen shaqadii loo igmaday, isla markaana waxaa uu Madaxwaynuhu xaqiijiyay in garoonka loo dhisay sidii uu qorshuhu ahaa ee loogu tala galay, madaxwaynaha puntland ayaa sheegay in dhismaha cusub ee garoonka xadhiga laga jari doono 08 january 2018

Dhinaca kale Madaxwaynaha ayaa xaqiijiyay in dhismaha garoonku uu marayo wejigii ugu danbeeyay, isla mar ahaantaana uu garoonku noqon doono mid u shaqeeya sida garoomada aduunka.

Ugu danbayn Madaxwaynaha Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa kula dar daar may hawl-wadeenada gacanta ku haya dhismaha garoonka diyaaradaha Garowe ilaa inta lagala wareegayo dhismaha cusub in ay sii wadaan shaqadooda.

Faafin Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *