Magaalada Garowe oo si weyn loogu diyaar garoobay soo dhaweynta Madaxweyne Farmaajo-Sawiro

Published: January 6, 2018

Magaalada Garowe ee Caasimadda Puntland ayaa si weyn looga diyaar garoobay soo dhaweynta Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamad Calbdulaahi Farmaajo oo lagu wado in uu gaaro markii ugu horeysay deegaanada Puntland tan iyo markii loo doortay xilka madaxweynaha Soomaaliya.

Wadooyinka waaweyn ee magaalada Garowe waxaa lagu dhejiyey boorar uu ku yaalo Sawirka Madaxweynaha Soomaaliya, kuwaasi oo Halku dhigiisu yahay “mudane Kusoo Dhowow Dhulka Uduga Puntland

Barxadda Garowe oo ah halku ugu caansan Magaalada ayaa waxaa lagu suray layrar aad u qurux badan iyo Calanka Soomaaliya

U diyaar garowga booqashada madaxweynaha Soomaaliya ayaa laga dareemay guud ahaan deegaanada Puntland, waxaana la filayaa in madaxweynaha Soomaaliya Maxamad Cabdullaahi Farmaajo uu soo gaaro caasimadda Puntland ee Garowe

Horseed Media 2018

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *