Ardayda Citycot College ee Jaamacadda Bosaso oo imtixaanka semesterka u fariistay-Sawiro

Published: January 7, 2018

Ardayda Citycot college oo ah faraca magaalada ee Jaamacadda Bosaso ayaa u fadhiistay imtixaanta simistarka koowaad ee 2017/2018.

Waxa ay ardaydu isugu jireen arday rag iyo dumar, kuwaasi oo Citycot College ka baranayay kulyadaha kale duwan.

Kuliyadaha laga barto Jamacadda ayaa kala ah Computer Sceince (IT), Public Health, Nursing, Clinical Laboratory, Clinical officer, Midwifery, Pharmacy, Commerce and Modern Management, Public Administration iyo kuliyada kale oo badan

Cabdixakiin Xuseen Cismaan Urug oo ah gudoomiyaha Citycot College ayaa sheegay in maanta oo ay taariikhdu tahay 06/01/2018 ay imtixaankii simistarka koowaad ay u fadhiisteen ardayda wax ka barata Citycot-ka. Waxaa uu intaasi ku daray Cabdixakiin Xuseen Cismaan Urug in ardayda imtixaanka uu u ardayda u rajaynaayo guul iyo hurumar.

Waxaan Alle uga baryayaa in uu u fududeeyo ardayda imtixaanka ayuu hadalkisa ku daray Cabdixakiin Xuseen Cismaan Urug

Sidoo kale wuxuu maamulku sheegay in ay furantahay isdiiwangelinta ardayda cusub ee ay Jaamacaddu qaadanayso, is qoristuna ay ka socoto faraca magalaada Citycot ka soo horjeedka Al-nasar Hotel iyo xarunta wayn ee Jaamacadda oo ku taal dhanka bari ee Hotel Panorama.

Si kastaba ha ahaatee ardayda ayaa wajiyadooda ka muuqatay farxad iyo diyaar garow ay ugu soo diyaar garoobeen imtixaanka.

waxaa ardayda Soomaaliyeed loogu bishaareynayaa in ay ka faa’ifeystaan inta ay socota qaadashada ardayda csub.

Horseed Media 2018

 

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *