Madaxweynaha Soomaaliya iyo Madaxweynaha Puntland oo si wada jir ah ula hadlay Saxaafada-Dhegayso

Published: January 7, 2018

Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomalaiya Mudane Maxamad Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiweli Maxamad Cali Gaas ayaa si wada jir ula hadlay saxaafadda.

Madaxdaasi oo shir jaraa’id ku qabtay xarunta Madaxtooyada Puntland ayaa ka hadlay safarka Madaxweynaha Soomaaliya uu ku yimid Magaalada Garowe ee Caasimadda Puntland.

Madaxaweyanaha Puntland Dr.Cabdiweli Maxamad Cali Gaas ayaa sheegay in safarka Madaxweyanaha uu ku yimid Puntland u jeedkiisu uu yahay sidii ay ogaan lahaayeen xaaladda guud ee deegaanada Puntland.

Mudane Maxamad Cabullaahi Farmaajo ayaa dhankiisa sheegay in mar hore ay ahayd in uu safar ku yimaado Puntland, balse daruufo jiray awgeed aysan u suurta gelin, isla markaana ka raali geliyey inta uu ka soo daahay shacabka reer Puntland

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamad Cabdillaahi Farmaajo ayaa sidoo kale sheeegay inta uu u sugan yahay Puntland uu la kulmi doono bulshada qeybaheeda kale duwan.

Horseed Media 2018

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *