Madaxweyne Farmaajo oo soo gaaray Garowe

Published: January 7, 2018

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa goordhaweyd gaaray caasimada Puntland ee Garowe, halkaasi oo si diiran loogu dhaweeyey.

Madaxweyne Farmaajo oo wafdi balaaran hogaaminayey ayey u tahay markii ugu horeysay oo uu booqasho rasmi ah ku tago dhulka Puntland tan iyo intuu kusoo biiray siyaasada wadanka Soomaaliya.

Diyaarada Madaxweynaha siday ayaa noqotay tii ugu horeysay oo soo cago dhigata Madaarka Caalamiga ah ee Garowe oo dhawaan la dhameystiray, mashuurcaasi oo kamid ah kuwa uu xariga ka jari doono Madaxweynaha Jamhuuriyada.

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo madaxda kale ee Puntland ayaa ka qeyb qaatay soodhaweynta Madaxweyne Farmaajo oo maalmihii lasoo dhaafay si weyn looga dareemayey caasimada dowlada Puntland.

Wadooyinka magaalada Garowe ayey soo buuxiyeen shacabka oo aan u kala harin soodhaweynta wafdiga balaaran ee uga yimid Muqdisho.

Goor dhaw naga filo warbixinta oo dhameystiran haduu eebo idmo.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *