Siyaasiyiin reer Puntland ah oo soo saaray: BAAQ & TALO-SOO-JEEDIN

Published: January 7, 2018

Annagoo ah siyaasiyiin, aqoonyahan iyo waxgarad ka soo jeeda Puntland, ee xubin ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliyeed,xilal muhiim ahna ka soo qabtey J. Federaalka Soomaaliyeed iyo Puntlandbawaxaan soojeedineynaa baaqasoo socota:

1. Waxaan soo dhoweyneynaa socdaalka uu ku yimid Puntland Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliyeed, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxaan aaminsanahay in ay ku soo aadey xilli muhiim u ah Somaaliya guud ahaan iyo Puntlandgaar ahaanba.

Waxaan u rajeyneynaa Madaaxweynaha iyo madaxda qaranka ee la socota safar kheyr leh.

Waxaan leenahay Madaxweyne ku soo dhowoowdalkaaga iyodeegaankaaga.

2. Waxaan shacab-weynaha Puntland uga mahad-celineynaa sida mugga leh ee ay isugu diyaariyeen soo dhoweynta Madaxweynaha Qaranka Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Waxaan ka digeynaa in booqashada Madaxweynaha Soomaaliya loo adeegsado ololesiyaasadeed iyo middoorasho.

3. Waxaan bogaadinayaa soona dhawaynaynaa heeshiiskii nabadeed ee dhexmaray labada beelood oo walaalalaha ee dagaalku ku dhexmaray degaanka Qooriileey.

4. Waxaan xusuusineynaa shacab-weynaha Puntlandin maalinta 8da Janaayo ay tahay maalin 5tii sannaba mar la doorto Madaxweyne iyo Madaxweyne-ku-xigeen, sidaas darted, ay mudnaanta leedahay maalintii doorasho jirto oo kaliya. Waxayse Puntland u dabaal-degtaa aasaaskeediioo ah 01da Agosto sannad walba.

5. Waxaan xasuusineynaa Madaxweyne Cabdiwali MaxamedCali Gaas oo la doortey 4 sanno ka hor (08 dii Janaayo 2014)ay ugu muhiimsaneydballan-qaadkii in uu Puntland gaarsiiyo doorashoHalQof iyo Cod(one-man-one-vote), isagoo la rabay in shaqadaas u hawl-galo laga bilaabo maalintii la doortey.

Isagoo Madaxweyne Gaas ku celceliyey marar badan in uu ku fashilmayhogaamintahaddii uusan ku guuleysanhimiladaas shacabka Puntland mudnaanta kuwaad u leh.

6. Nasiibdaroo, Waxaa caado noqotey in Madaxweyne kasta marka ay xilkiisa uga dhiman tahayhal sanoinuu isku dayo in uu xukunka kororsado, isagoo ku andacoonaya hawlo-qabyo ah iyofulintabarnaamijka xisbiyaddda badan.

Sidaa awgeed, Waxaan Madaxweyne Gaas waxaan uga digeynaa in uu ku fekero in uu isku dayo muddo kororsi, kaasoo sharcidarro ah,Puntlandu horseedaya xiisad siyaasadeed, iska-hor-imaad iyodegenaansho la`aan.

7. Waxaan ugu baaqaynaa shacabka Puntland in ay ilaashadaan dawladnnimada, nabadda iyo kala dambaynta.

8. Ugu danbeyn, waxaan shacab-weynaha Puntland u rejeyneynaa guul, amni iyo maamul wanaagsan oo wax ka qabta caqabadaha badan ee manta horyaala Puntland sida Amnidarrada, Musuq-maasuqa, ku-tagrifalka hantida shacabka, sicir-bararka, daabacaada lacagta Faalsada ah, ballan-ka-baxa ballanqaadyaddii xakuumadda, baabi`inta sarreynta sharciga iyo ku tumashada dastuurka dalka.

Guul iyo Gobonnimo

Wabillahi Tawfiiq.

Waxaa saxiixeybaaqaan:

Janaraal Cabdullahi Ilka-jiir (Wasiir- hore Puntland & JFS)

Xaaji Maxamed Yaasiin (Siyaasi & Musharrax-hore)

Cali Xaaji Warsame (Wasiir-hore Puntland & Musharrax-hore)

Duuliye-sare Khaliif Ciise Mudan ( Wasiir-hore Puntland)

Siciid Cabdullahi Deni (Wasiir-hore JFS)

Dr Maxamed Salaad (Dakhtar iyo Aqoonyahan)

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *