Egypt: Axmed Shafiq oo isaga haray tartanka Doorashada Madaxweynaha

Published: January 8, 2018

Raysalwasaarihii hore ee Masar Axmed Shafiq oo u tartamayey xilka Madaxweynaha ayaa shaaciyey inuu dib uga noqday Murashaxnimadiisa.

Axmed Shafiq ayaa ahaa murashaxa ugu muhiimsanaa ee la tartami lahaa Madaxweynaha xilka haya Cabdifatax Al Sisi oo la filayo inuu sanadkan markale ku guuleysto Doorashada Madaxweynaha, inkastoo Al Sisi uusanba weli shaacin inuu xilka u tartami doono.

Shafiq oo hada ah 76 sano jir ayaa horey usoo ahaan jiray Duuliye ciidamada cirka ee Masar, wuxuu sidoo kale noqday Wasiirka Duulimaadka. Sanadkii 2011 xiligii uu dhacayey kacdoonkii looga soo horjeeday Xusni Mubarik ayuu muddo hal bil ah hayey xilka Raysalwasaaraha.

Sanadkii 2012 ayuu ka qeyb galay Axmed Shafiq doorashadii Madaxweynaha balse waxaa ka guuleystay Madaxweynihii taageerada badan ka helay shacabka ee Maxamed Morsi.

Kadib doorashadii 2012 ayuu Axmed Shafiq u guuray dalka Imaaraadka Carabta halkaasi oo uu sanadihii lasoo dhaafay ku noolaa. Hase yeeshee Imaaraadka ayaa dalkooda ka tarxiilay Axmed Shafiq bishii lasoo dhaafay ee December, maalmo kadib markii uu shaaciyey inuu u tartami doono xilka Madaxweynaha Masar doorashada sanadkan.

Imaaraadka Carabta ayaa kamid ah dalalka xulafada la ah Madaxweynaha Masar Cabdifatax Al Sisi.

Tan iyo intuu dib ugu soo noqday Masar Axmed Shafiq ayaa warkiisa la la`aa, waxayna qaar kamid ah qoyskiisa sheegeen inay afduubatay dowlada Al Sisi, walow uu Axmed Shafiq arrintaasi ku beeniyey dhowr mar oo uu kasoo muuqday Telefishinka.

Axadii shalay ayuu Axmed Shafiq bartiisa Twitter ku qoray in uu isaga haray tartanka, maadaama uu muddo dheer ka maqnaa wadanka Masar, isagoona sheegay inuusan la socon isbedalada badan ee wadanka ka jira, taasi oo aan u suurto gelineyn inuu noqdo hogaamiyaha hada wadankaasi isbedalka ku keeni kara.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *