Madaxweynaha Soomaaliya oo Daah-Furay Garoonka Diyaaradaha Garowe-Sawiro

Published: January 8, 2018

Xafladda xarig jarka garoonka diyaaradaha ee Caasimadda Puntland ayaa ka dhacday gudaha garoonka, iyadoo munaasabadda furitaanka garoonka Garowe si weyn loo soo agaasimey.

Munaasabadda ayaa waxaa goob joog ka ahaa wafdi ballaaran oo uu hogaanimayo madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamad Cabdullaahi Farmaajo sidoo kale waxaa ku sugan xafladda madaxda Puntland iyo bulshada qeybaheeda kale duwan.

Madaxweyanaha Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa daah-furay garoonka diyaaradaha Garowe

Sidoo kale waxaa ku sugnaa goobta ay xafladdu ka dhacday wafdi ka yimid Itoobiya iyo Jabuuti

Garoonka diyaaradaha Garowe ayaa loogu magac daray Jeneraal Maxamad Abshir Hammaan

Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in muddo ay ku taamayeen inay helaan garoon caalami ah oo laga hir geliyo Garowe oo hadda caasimad u ah Puntland, isla markaana ku suurta gashay isku tashi dadweynaha iyo madaaxda Puntland ah.

Mudane Gaas ayaa intaasi ku daray in Dowladda Federaalka looga baahan yahay dhammeystirka garoonka iyo inay daboosho baahida loo qabo adeega tababarada, qalabka iyo baahiyaha kale ay qabaan shaqaalaha garoonka diyaaradaha magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland.

Madaxweynaha Janhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo soo xiray xafladda ayaa sheegay in marka hore maamulka Puntland uga mahad celinayaan horumarka dhanka dumuqraadiyada ay ku tallaabasadeen,wuxuuna ku amaanay dadaalka ay geliyeen sidii loo heli lahaa Garoon caalami ah oo la jaan qaada garoomada kale ee caalamka oo laga hirgeliyo magaalada Garowe. Horseed Media 2018

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *