Baraf ka da`ay Lama degaanka Saxaraha Aljeeriya [Sawiro]

Published: January 9, 2018

Dhulka lama degaanka Saxaraha Aljeeriya ayaa shalay lagu arkay baraf badan kadib isbedal ku yimid cimilada, dhulkan oo kamid ah deegaanada ugu kulul dunnida ayaan lagu aqoon cimiladan qabowga.

Isbedalka cimilada dunnida ayaa sanadkan cusub laga dareemayaa wadamo badan sida Yurub iyo wadanka Maraykanka oo xiligan ku jira cimilo aad u qabow iyo baraf hakad ku keenay isu socodka magaalooyinka waaweyn ee saaran bariga dalka Maraykanka.

Halka dalka Australia maalmihii lasoo dhaafay laga dareemayey kuleyl xad dhaaf ah, khubarada cimilada ayaa sheegaya inay tani qeyb ka tahay isbedalka ku imaanaya cimilada guud ahan dunnida.

Waxaana laga cabsi qaba isbedaladan inay saameyn xun ku yeeshaan qeybo kamid ah qaarada Afrika gaar ahaan bariga Afrika iyo dalka Soomaaliya oo sanadihii lasoo dhaafay ay ka jireen abaaro, waxaana muuqata in sanadihii lasoo dhaafay uu hoos usii dhacayeen roobabka ka da`a wadanka Soomaaliya.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *