Dowlada Federaalka oo lagu eedeeyey burburinta xeryaha Barakacayaasha

Published: January 9, 2018

Dallada ay ku mideysan yihiin ururada Rayidka ah ayaa Dowladda Federalka Soomaaliyaa ku eedeeyay in ay barakicineyso dadka saboolka ah iyo barakacayaasha ku nool xeryaha ku yaal magaalada Muqdisho.

Warbixinta ay soo saareen ururada Rayidka ayaa lagu sheegay in ka badan 5.800 qof laga saaray ama laga dumiyey 21 goobood degaan iyo hoy u ahaa dadkaasi u badan barakacayaasha.

Cambaareynta ku aadan dowlada Federaalka Soomaaliya ee burburinta deegaanka barakacayaasha ku nool yihiin ayaa waxaa horey uga hadlay Peter de Clercq, Isuduwaha Hawlaha gargaarka Bani`aadamno ee Qaramada Midoobay, oo sheegay in la burburiyey dhismayaal badan oo ay ku noolaayeen barakacayaasha ku sugan magaalada Muqdisho.

Hawlahan markale lagu barakicinyo dadka barakacayaasha ah ayaa kamid ah in si sharci daro ah lagu burburiyey hantidii yareyd oo ay dadkaasi heysteen.

Dadkan saboolka ah oo kasoo barokacay deegaanadii ay ku noolaayeen oo ay ka jiraan colaad iyo abaaro ayaa si aan ogeysiis laheyn looga burburiyey deegaanadii ay hoyga ka dhigteen ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay hay`ada ay ku mideysan yihiin ururada Rayidka.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *