Madaxweynaha Puntland oo ka hadlay weerarkii Somaliland ku soo qaaday Tukaraq

Published: January 9, 2018

Dr.Cabdiweli Maxamad Cali Gaas Maxaweynaha Puntland ayaa ka hadlay dagaalkii Maamulka Somaliland ku soo qaadeen Tukaraq, kadib markii uu shir jaraa’id uu ku qabtay xarunta Madaxtooyada.

Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in Maamulka Somaliland ay weerarkaasi ku soo beegeen xili Wafdi ballaaran oo uu hogaaminayo Madaxweynaha Soomaaliya ay ku sugan yihiin Magaalada Garowe, taasi uu ku tilmaamay in carqalad ku tahay geeddi socodka nabadda.

Mudane Cabdiweli Maxamad Cali Gaas ayaa sidoo kale sheegay in Somaliland garab iyo gaashan u tahay maleeshiyada Shabaab iyo Daacish.

“…Sidaa la socotaan Puntland waxay dagaal kula jirtaa kooxaha Shabaab iyo Daacish, weerarkii Maamulka Hargeysa waxa uu gaashaan u yahay argagixisada…” ayuu yiri Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamad Cali Gaas.

Madaxweynaha Puntland Cabdiwlei Maxamad Cali Gaas ayaa shacabka reer Puntland ugu baaqay in ay u diyaar garoobaan difaaca dalkooda, wuxuuna Beesha Caalamka iyo Dowladda Soomaaliya u diray fariin ahayd wixii ka dhasha weerarka Somaliland ay mas’uuliyadeeda qaadayo maamulkaasi.

Dr.Cabdiweli Maxamad Cali Gaas ayaa ugu dambeen ku tilmaamay weerarkii Somaliland ku soo qaaday Tukaraq faro gelin qaawan oo lagu hayo xuduudaha Puntland isla markaana aysan u dul qaadan doonin daan-daansi ka dhan ah nabad gelyada iyo xasiloonida Puntland.

Horseed Media 2018

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *