Madaxweynaha Soomaaliya oo la kulmay Ardayda wax ka barata Jaamacadaha ku yaala Puntland-Sawiro

Published: January 9, 2018

Madaxweynaha Soomaaliya Mudan e maxamad Cabdullaahi Farmaajo ayaa hoolk shirarka ee Jaamacadda Bariga Afrika faraceeda magaalada Garoowe kula kulmay boqollaal arday ah oo wax ka barta Jamaacadaha ku yaala magaalada Garowe ee caasimadda Puntland .

Kulanka ayaa waxaa sidoo kale ka soo qayb galay Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiweli Maxamad Cali Gaas, xubno ka tirsan labada gole ee Puntland iyo Federaalka Soomaaliya, saraakiisha Madaxtooyada Puntland, Maamulka iyo barayaasha Jaamacadda Bariga Afrika.

Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ardaydii kasoo qayb gashay kulanka uga sheekeeyey qiimaha ay leedahay wax-barashadu iyo doorka ay kaqaadan karto aqoontu dhismaha iyo horumarka dalka.

Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sidoo kale ku boorriyey ardayda in ay dedaalkooda kor u qaadaan oo ay ahmiyad gaar ah siiyaan wax-barashada si`ay uga qayb qaataan horumarka dalka maadaama ay yihiin jiilkii beddeli lahaa Jiilka hada talada haya .

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamad Cabdullaahi Farmaajo ayaa dhankiisa sheegay in ardayda Soomaaliyeed ay muujiyeen dadaal iyo sabar badan, una soo dhabar adaygeen duruufo waxbarasho oo aad u adag, haatanna looga baahanyahay in ay shaqada ka soo bilaabaan asaaska si ay khibrad iyo waayo aragnimo u yeeshaan.

Madaxweynaha ayaa ku dhiirrigaliyey dhallinyarada Soomaaliyeed in ay u tashadaan sidii dalkooda ay u dhisan lahaayeen, ugana shaqeyn lahaayeen nabadda iyo horumarka.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa xusay in ay Dowladdu soo nooleynayso kaalinta culimada iyo odayaasha dhaqanka ay ku leeyihiin dowlad dhisidda iyo midnimada shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa adkeeyay in ay nabaddu asaas u tahay horumarka, loona baahanyahay in markasta laga shaqeeyo oo la ilaaliyo. Waxa uu intaas ku daray Madaxweynaha in isfahamka odayaasha dhaqanka, culimada iyo siyaasiyiinta uu asaas u yahay nabadda iyo dib-uheshiisiinta dalka.

Markii ay soo idlaatay munaasabaddani ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo uu wehliyo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Mudane C/weli Maxamed Cali Gaas waxa ay soo kormeereen Isbitaalka Guud ee magaalada Garoowe iyaga oo warbixin ka dhageystay maamulka iyo dhakhaatiirta Isbitaalka.

Dhanka kale, Madaxweyne Farmaajo waxa uu guryaha ay ka deggenyihiin magaalada Garoowe ku booqday Islaan Ciise Islaan Maxamed, Garaad Saleebaan Garaad Maxamed iyo Suldaan Siciid Maxamed Garaase oo ka mid ah duubabka dhaqanka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa inta uu ku suganyahay Puntland waxa uu kulamo wadatashi la yeelan doonaa qeybaha kala duwan ee bulshada.

Dhinaca kale Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Madaxwaynaha DF Soomaaliya ayaa waxa ay soo kormeereen isbataalka guud ee magaalada Garoowe waxayna halkaas kula kulameen hawl-wadeenada isbataalka ,isla markaana waxay mid mid u booqdeen qaar ka mid ah bukaanada jiifa isbataalka .

Ugu danbayn Madaxweynaha Puntland iyo Madaxwaynaha DF Soomaaliya ayaa waxay hawgooda ku booqdeen qaar ka mid ah isimada Puntland waxaana ka mid ahaa Islaan Ciise Isalaan Maxamed, Suldaan Sidiid Maxamed Garaase iyo Garaad Salaymaan Garaad Maxamed Garaad Maxamuud .

Horseed Media 2018

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *