Mareykanka oo Dowladda Soomaaliya ugu Deeqay lix Gaari oo Nooca aan Xabadda karin ah

Published: January 9, 2018

Mudane Maxamad Mursal Sheekh Cabdiraxmaan Wasiirka Gaashaandhigga Dowladda Soomaaliyaayaa ayaa ka guddoomay Waaxda Arriamah Dibadda Mareykanka 6 gaari oo nooca aan xabadda Karin ah, kuwaasi oo loogu tala galay in lagu qabto howlaha Wasaaradda.

Xaflad kooban oo uu Wasiirku ku guddoomayey gaadiidka ayaa lagu qabtay xarunta Wasaaradda Gaashandhiga, taasi oo ay goob joog ka ahaayeen wafdi ka socda Waaxda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka.

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sheegay in Waaxda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ay ka guddoomeen 6 gaari, isla markanaa lagu qaban doono oo kaliya howlaha muhiimka ah ee Wasaaradda.

Saraakiisha ka socotay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa sheegay in gaadiidka ay Dowladda Mareykanku ugu tala gashay in lagu kaabo Wasaaradda Difaaca Soomaaliya,si ay ugu qabato adeegyada muhiimka ah ee bulshada.

Horseed Media 2018

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *