Madaxweynaha Somalilad oo la kulmay Danjire Michael Keating-Video

Published: January 10, 2018

Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha Somaliland ayaa kulan la yeeshay ergayga Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Danjire Michael Keating oo safar shaqo ku jooga Somaliland.

Kulankan oo ka dhacay Madaxtooyada Somaliland ayaa waxaa goob joog ka ahaa Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdullaahi Ismaaciil Saylici, Wasiirrada Arrimaha Gudaha iyo Dibadda, Maxamed Kaahin Axmed iyo Sacad Cali Shire iyo xubno kale, Waxaana kulankan diiradda lagu saaray arrimo uu ka mid ahaa; sidii loo abuuri lahaa jawi hufan oo ay labada dhinac ku wada shaqeeyaan.

Kulanka madaxweyanah Somaliland Mudane Muuse Biixi iyo Danjire Keating ayaa ahaa mid ay albaabadu u xirnaayeen, waxaana markii uu soo dhammaaday saxaafadda faah-faahin ka siiyay Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland, Sacad Cali Shire oo tilmaamay in ay labada dhinac ku lafo-gureen kulankooda sidii kor loogu qaadi lahaa xiriirka labada dhinac.

https://www.youtube.com/watch?v=HvVRw3PasIw

Horseecd Media 2018

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *