Wasiirka Cadaaladda Soomaaliya oo Xariga ka jaray Xarunta Taliska Ciidanka Asluubta

Published: January 10, 2018

Wasiirka Cadaaladda Soomaaliya Avv Xasan Xuseen Xaaji iyo Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed S/gaas Xuseen Xasan Cismaan ayaa si wadajir xariga ugu jaray Xarunta ugu weyn Taliska Ciidanka Asluubta oo in muddo ah bur-bursanayd.

Waxa ay ahayd xarunta mid muddo dheer bur-bursaneyd waxaana hadda dib u dhis ku sameeyay Taliska Ciidamada Asluubta Soomaaliyeed, iyadoo xaruntan ku taalla waddada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye.

Xafladda xarig jarka waxaa wasiirka kala qeyb galay saraakiisha Ciidamada Asluubta oo uu ugu horeeyo Taliya Ciidamad Asluubta Soomaaliyeed, saraakiil kale oo lagu marti qaaday iyo madax kale.

Dowladda Soomaaliya ayaa wada dadaalo dib loogu tayac tiraayo xarumihii dowladdii dhexe, kuwaasi oo ku bur-buriye dagaalkii sokeeyuey

Horseed Media 2018

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *