Madaxweyne Farmaajo oo si weyn loogu soo dhaweeyey magaalada Bosaso- Sawiro / VIDEO

Published: January 11, 2018

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya oo booqasho ku jooga Puntland, Soomaaliya ayaa maanta soo gaaray xarunta ganacsiga ee Bosaso.

Magaalada Boosaaso ayaa si weyn loogu soo dhaweey wefdiga Madaxweynaha SoomaaliyaWafdiga madaxweynaha safarka ku wehlinaya waxaa ka mid ah madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamad Cali Gaas, wasiiro iyo xildhibaano ka kala tirsan Golayaasha kala duwan ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Puntland.

Bulshada qeyabheeda kale duwan oo gacmaha ku sida calanka Soomaaliya iyo kan Puntland ,isla markaana taagan hareeraha waddooyinka magaalada iyo mas`uuliyiin ka tirsan Puntland ayaa Madaxwynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo wafdigiisa si heer sare ah ugu soo dhoweeyay magaalada Bosaso.

Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdigiisa ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socda la kulmaan qeybaha kale duwan ee bulshada iyo waxgaradka Bosaso.

Ammaanka magaalada Bosaso ayaa si weyn loo adkeeyay,waxaana magaalada lagu dhex arkayey Ciidamada ammaanka sugaya.

Madaxweynaha ayaa sheegay in sanadkan 2018 uu noqonayo sanadkii dib u heshiisiinta shacabka Soomaaliyeed, safarkiisuna uu salka ku hayo nabadeynta iyo la tashiga shacabka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa inta uu safarka ku jiray waxa uu dhagax dhigay wajiga labaad ee waddo laami ah isku xireysa Ceel Daahir iyo Ceergaabo. Halka uu Deegaanka Kalabeyr ka dhagax dhigay waddo isku xiri doonta deegaankaas iyo Degmada Beyla ee Gobolka Bari.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kulamo wada tashi ah la qaadanaayey masuuliyiinta iyo odayaasha deegannada uu socdaalka ku maray ayaa sheegay in dowladda Federaalka ay si dhow ugala shaqeynayso Dowlad Goboleedka Puntland daadejinta adeegyada bulshada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ay u qorsheysay deegannadaas.

“In badan oo ka mid ah masuuliyiinta ka soo jeeda deegannadan waxa ay markasta nagala hadlaan sidii adeegyada dowladda ee heer Federaal loogu dhammeystiri lahaa. Anaga oo kaa shaneyna Dowlad Goboleedka Puntland waxaan ka shaqeynaynaa arrinkaas.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, Marwada koowaad ee Puntland Drs. Hodan Siciid Ciise, wasiirro heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed ah, siyaasiyiin iyo masuuliyiin qeyb ka ah wafdiga Madaxweynaha ayaa ugu dambeyntii soo gaaray magaalada Boosaaso halkaas oo kumannaan shacab ah iyo masuuliyiinta heer gobol iyo heer degmo ay isugu soo baxaeen fagaarayaasha iyo bannaanka magalaada.

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Madaxweynaha Jamhuuriyada ayaa Puntland yimid maalintii Axadda ee 07 Janaayo, waxaana uu isla maalintii Isniinta furay garoonka diyaaradaha ee Gen. Maxamd Abshir Hamaan oo laga hirgeliyey caasimadda Puntland ee Garowe .Waxaana lagu wadaa in uu ka dhoofo maalinta Sabtida Madaxweyanaha Soomaaliya magaalada Bosaso.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *