Qardho: Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo si rasmi ah u dhagax dhigay Jaamacadda Ummadda Soomaaliya

Published: January 11, 2018

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed ayaa gelinki danbe ee Arbacada si rasmi ah u dhagax dhigay Jaamacadda Ummadda Soomaaliya (JUS) faraca ay ku yeelanayso Puntland kaas oo laga dhisaayo degmada Qardho.

Prof. Khaliif Maxamed Barre oo muddo ka soo shaqeeyey jaamacadii Ummadda Soomaaliya isla markaana kamid ahaa dadkii xilka iska saarey dhulka Jaamacadda laga dhisaayo oo ka hadley munaasbadii dhagax-dhigga ayaa sheegay in dhulkan muddo dheer loo hayey in Jaamacad laga dhiso maanata ay tahay farxad iyo riyadii uu rumowdey.

Rektorka Jaamacadda Ummada Soomaaliya Prof. Jimcaale ayaa munaasbadii dhagax-dhigga ka sheegay in Qardho ay tahay magaalo ku habbon in laga dhiso faraca Puntland ee jaamacadda Ummadda Soomaaliya, wuxuu tilmaamey in Qardho tahay magaalo Waxbarasho oo ay ku yaalaan Iskoolo aad u badan Kumaankun ardey ahna ay wax ka bartaan, sidoo kale ay ku taalo meel dhex-dhexaad ah khariidad ahaan. Rektor Jimcaale ayaa sheegay in kuliyado muhim ah ay keenayaan Qardho marka uu dhamaado dhismaha, waxaana uu bulshada Qardho ugu baaqey in ay u diyaar garoobaan ardey Soomaaliyeed oo ka kala imaan doona daafaha dalka oo dhan. Prof. Jimcaale waxa uu ka codsadey madaxweynaha Jamhuuriyadda in ay dhismaha jaamacadda Umadda Soomaaliya ee Qardho laga hirgilanaayo ay dedejiyaan dhismaheeda kuna daraan qorshaha sanadkan.

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya Cabdiraxmaan Jaabir oo ka hadley munaasbadii dhagaxdhigga ayaa sheegay in qorshaha dhagaxdhigga jaamacdu uu ka tarjumaayo ballanqaadkii Madaxweynaha Soomaaliya ee ahaa in dalka la wada gaaro, oo aan lagu ekaan hal meel oo keliya, Jaabir ayaa sheegay in Qardho ay tahay magaalo ku habboon in Jaamacadda laga dhiso.

Madaxweynaha Puntland Dr Cabdiweli Cali Gaas oo ka hadley munaasbadii dhagax dhigga ayaa sheegay in uu kamid ahaa ardeydii wax ku baratey jaamacadii Ummadda, waxaana uu Prof Jimcaale Rektorka Jaamacadda Ummadda ku amaaney in u yahay nin masuul ah oo dib u soo celin kara sharaftii waxbarashada. Madaxweynaha Puntland ayaa ka dalabadey Madaxweynaha Jamhuriyaddu in aanu ku ekaan dhagax-dig keliya ee la dedejiyo dhismaha.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed ayaa sheegay in ay sharaf u tahay in uu dhagaxdhiggo Jaamacaddii Ummadda oo Qardho laga dhisaayo, waxaana uu ballan qaadey in ay ku darayaan qorshayaasha ugu muhimsan ee Dowladda.

Jaamacadda Ummadda Soomaaliya oo u qaybsadneyd Gahayr iyo Lafoole ayaa dib loo soo celiyey, waxaana ay hadda ku hawlan tahay sidii ay u gaari lahayd dalka intiisa kale.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *