Shuute: “Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo Madaxbanaan ayaan Gaalkacyo ka hirgelineynaa”

Published: January 12, 2018

Guddoomiyaha Maxkamadda Derajada kowaad ee ciidamada qalabka sida Gaashaanle sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa sheegay in Dowladda Federaalku ay ka fureyso magaalada Gaalkacyo Maxkamadda ciidamada qalabka sida oo ka madaxbanaan labada maamul ee Puntland iyo Galmudug.

Shuute ayaa sheegay in qaybta 54aad iyo qaybta 21aad ee xoogga dalka Soomaaliya kana hawlgala Puntland iyo Galmudug la gaarsiiyey qalab ciidan iyo gunnooyin, isla markaana ay heli doonaan dhamaan waxa ay u baahan yihiin.

Maxkamadda laga furayo Gaalkacyo ayuu sheegay Korneyl Shuute in ay qaadi doonto dhamaan denbiyada hubeysan oo lidiga ku ah amniga qaranka.

Magaalada Gaalkacyo waxaa laga hirgeliyey ciidan isku dhaf ah oo ilaaliya amniga magaalada.

Gaalkacyo waa magaalada keliya ee ay ka kala taliyaan laba maamul oo marar badan dagaalo dhex mareen.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *