Trump oo hadal cunsuriyad ah ugu yeeray ajaanib ku sugan Maraykanka “shithole countries”

Published: January 12, 2018

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa kiciyey xasaasiyad iyo caro aad u weyn kadib markii uu faalo ka bixiyey sharciga cusub ee siyaasadda soo galootiga Maraykanka

Trump ayaa yiri erayo ay adag tahay in Soomaali toos ah lagu tarjumo kuwaas oo ah cunsuriyad heerkii ugu sareysey waxaana uu yiri “Why do we want all these people from “shithole countries” coming here?” “Maxaan ku dooneynaa in aan dalkeena u keeno dalalkaas ka soo baxay xaga danbe”.

Trump ayaa hadalkan ka sheegay shir looga hadlaayey qaxooti laga soo qaatey dalka Haiti iyo weliba dalal Afrikaan ah, kuwaas oo labada xisbi ay heshiis ka gaareen kuwa joogaya ee aan dib loo celineyn, taas oo Trump ka horyimid.

Qaxooti ka badan 50 000 oo u dhashey dalka Haiti ayaa helay oggolaansho ay si kumeel gaar ah u joogi karaan dalka Maraykanka kadib dhulgariirkii 2010 ka dhacay dalkaas. Sidoo kale waxaa jira dalal uu ka dhacay musiibooyin ay ka mid tahay dhulgariir iyo abaaro oo dadkoodu deganaansho ka heleen Maraykanka.

Madaxweynaha Maraykanka ayaa hadda doonayaa dadkaas sida kumeel gaarka ah ku joogey Maraykanka in dib loogu celiyo dalkoodi.

Hadalka ka soo baxay Trump ee sida weyn looga wiswisay ama looga khajilay ayuu ka jeediyey kulan uu la qaatey siyaasiyiinta Jamhuuriga.

Trump ayaa horey loogu eedeeyey erayo cunsurinimo ah inkasta tan ay noqotey mid kamid ah kuwa ugu yaabka badan ee Trump ka soo baxay, waxaana la is weydiinayaa in uu raali gelin ka bixiyo marka uu jeedinaayo khudbadda lagu xusaayo MLK ee 15 Janaayo.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *