Haweenka Sucuudiga oo markii u horeysey ka qaybgalay daawashada ciyaar kubadda cagta

Published: January 13, 2018

Haweenka Sucuudi Caraabiya ayaa markii u horeysey ka qaybgalay oo u daawasho tegay ciyaar kubadda cagta oo u dhexeysey laba naadi.

Isbeddelka uu ballan qaadey dhaxal-sugaha Boqortoyada Sucuudiga Maxamed bin Salamaan ayey qayb ka ahayd in uu haweenka siin doono xoriyad aysan horey u haysan, waxaana kamid ahayd wadidada gawaarida, soo celinta shineemooyinkii filmaanta lagu daawan jirey iyo isbedelo kale.

Ciyaartii u dhexeyey labada naadi ee al-Ahlly iyo al-Batin ee ka dhacdey magaalada Jidda maalintii Jimacada ayaa noqotey middii u horeysey ee gudaha Sucuudiga oo daawadayaashu ay u qaybsan yihiin Rag iyo Haween.

Lamya Khaled Nasser oo la hadashey AFP ayaa sheegtey in tani ay tahay “tallaabo ay haweenku horey u qaadeen, waan ku hanweynahay kuna faanayaa isbeddelka uu wado” Maxamed bin Salmaan ayey tiri.

Haweenka Sucuudiga oo aan horey loogu oggoleyn in ay wadaan gawaarida ayaa helaya oggolaansha wadida gaariga ee laysanka bisha Juun ee sanadkan.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *