Bulshada Gobolka Hawaii ee Maraykanka oo lagu khalkhalgeliyey Gantaal ku soo socda

Published: January 14, 2018

Maamulka gobolka Hawaii ee dalka Maraykanka ayaa fariin u diray habeenkii xalay dadka deggan gobolkaas, taas oo ay ka digayaan gantaal nooca balastikada ah oo ku soo fool leh gobolkaas. Fariinta ayaa sababtey argagax ku habsatey dhamaan dadka deggan gobolka Hawaii.

“Balastik robot ayaa ku soo socda Hawaii. Si dhakhso ah u raadso meel ad uga gabato. Tan maaha mid lagu tababaranaayo sida la isu badbaadiyo waa mid dhab ah, ayaa ku qoran fariinta.

Fariinta ayaa loo direy telefoonada ay isticmaalaan dadka jasiirada Hawaii.

Maamulka ayaa wax yar kadib sheegay in arrintaani u dhacdey si khalad ah.

Xitaa Booliska magaalada Honolulu ee gobolka Hawaii ayaa dadka u sheegay in aysan jirin wax khatar ah iyaga oo la yaabey fariinta.

Barasaabka gobolka Hawaii David Ige ayaa CNN u xaqiijiyey in qof uu taabtey battan khalad ah kaas oo sababey fariinta cabsida leh.

Kuuriyada Waqooyi ayaa marar badan sheegtey in gantaaadeedu gaari karaan goobo kamid ah gobolka Maraykanka oo ay ka mid tahay Hawaii.

Horseed media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *