Ciidamo ka tirsan Amisom oo ku wajahan Dhuusamareeb

Published: January 14, 2018

Waxaa maanta oo Axad ah lagu wadaa in ay gaaraan magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galguduud ciidamo ka socda Midowga Afrika. Wararku waxay sheegayaan in ciidamadan ay sugi doonaan amniga Madaxweynaha jamhuuriyadda federaaliga ah ee Soomaaliya oo jadwalkiisa ay ka mid tahay in uu booqdo Dhuusamareeb oo ay hadda ka taliyaan Ahlu-Sunnah

Cabdisamad Macalin Maxamuud oo horey u soo noqdey Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowladii kumeelgaarka ahayd haddana ka mid ah guddiga qaban qaabada soo dhaweynta wefdiga Madaxweynaha ayaa warbaahinta u xaqiijiyey ciidamada AMISOM ee markii u horeysey la geynaayo Dhusamareeb.

” Waxaa la rajeynayaa in ciidamo ka socdo AMISOM ay yimaadaan halkaan si ay ula dagaalamaan Al Shabaab, waxay tagayaaan hareeraha magaalada si amaanka loo xaqiijiyo” ayuu yiri Cabdisamad Macalin.

Ma cadda dalka ay ka socdaan ciidamadan, waxaase gobolka galguduud ku sugan ciidamo ka socda dallka Itoobiya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa maanta booqasho ku tegi doono maamul goboleedka gGlmudug kadib markii uu dhamaysto booqashadiisa Gaalkacyo, waxaana laga sugayaa Cadaado, Caabudwaaq iyo Dhuusamareeb.

Horseed media 2018

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *