Madaxweynaha Soomaaliya oo dhagax-dhigay wado isku xiraysa Gaalkacyo iyo Hobyo

Published: January 14, 2018

Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Madaweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa si wada jir ah u dhagax-dhigay wado isku xiraysa Magaalooyinka Gaalkacyo iyo Hobyo oo ka tirsan Gobolka Mudug.

Mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa ugu mahad celiyaya guddiga gacanta ku haya dhismaha wadadasi dadaalkii adkaa ee ay sameeyeen, kaasi oo ku aadan sidii loo heli lahaa wado wanaagsan madama halkaasi marar kale duwan ay ka dhaceen shilal geystay qasaare isku jira dhimasho iyo dhaawac.

Madaxweyne Farmaajo ayaa intaasi ku daray in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay kaalinteeda ka geysan doonto dib u dhiska wadadaasi oo muhiim u ah bulshada kunool Gobolkaasi.
Madaxweynaha Soomaaliya wuxuu dhanka kale siweyn uga hadlay arrimaha nabadgeliyada magaalada Gaalkacyo,wuxuuna sheegay in shacabka ku dhaqan magaaladaasi looga baahanyahay in ay ilaashadaan amniga iyo xasilooniga magaalada Gaalkacyo.

Ammaanka magaalada Gaalkacyo ayaa si weyn loo adkeeyey, waxaana Madaxweynaha Soomaaliya uu kulamo kale duwan la qaadanayaa madaxda iyo bulshada Galmudug, isagoona intaasi ka dib la filayo in uu u safro deegaano kale oo ka tirsan Maamulka Galmudug.

Horseed Media 2018

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *