Madaxweyne Sharif Xasan oo magacaabay guddoomiyaha cusub ee Maxakamadda Sare

Published: January 14, 2018

Xafiiska Madaxweynaha Dowlada Goboleedka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan Degreeto ka soo baxday ayaa lagu magacaabay guddoomiyaha cusub ee Maxakamadda Sare ee maamulkaasi iyo Xeer ilaaliyaha guud ee Koofur-Galbeed-Soomaaliya

Madaxweyne Shariif Xasan ayaa guddoomiyaha Maxakamadda Sare u magacaabay Axmed Cali Muuse, kaasi oo bedelaya guddoomiyihii hore ee Maxakamadda Sare oo horey xilka qaadis loogu sameeyey.

Degreetada ka soo baxday xafiiska Madaxweyne Shariif Xasan ayaa sidoo kale waxaa lagu magacaabay Xeer Ilaaliyaha guud ee maamulka Koonfur Galbeed, kaasi oo loo magacaabay Maxamed Macalin Cabdiyow.

Madaxweyne Shariif Xasan ayaa kula dar-daarmay mas`uuliyiintani in ay xilkoodi u gutaan si hufan, isla markaana ay qabtaan adeegyada ay uga baahan yihiin bulshada ku dhaqan deegaanada Koonfur Galbeed-Soomaaliya.

Horseed Media 2018

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *