Dad badan oo ku nafwaayey laba weerar oo ka dhacay Baqdaad

Published: January 15, 2018

Ugu yaraan 26 qof ayaa nafta ku waayey 90 kalena waa ku dhaawacmeen laba weerar oo ay fuliyeen laba qof oo ismiidaamiyey iyaga oo bom isku soo xiray subaxnimada Isniinta, gudaha magaalada Baqdaad ee xarunta dalka Ciraaq, sida laga soo xiganayo maamulka Ciraaq. Labadan weerar ayaa noqonaya kuwii labaad ee muddo saddex maalmood gudahood ah ka dhaca Baqdaad.

Kuwa weerarka qaadey ayaa yool ka dhigtey suuqa ay booqdaan dadka tujaarta ah ee Tayyaran, bartamaha magaalada, halkaas oo ay ku soo urureen shaqaale ka ganacsada suuqa. Sawir qaade u waramey qaar kamid ah warbaahinta dibadda ayaa sheegay in uu arkey gawaarida gar-gaarka oo badan oo Suuqa ku soo ururay si ay u qadaan dadka waxyeeladu soo gaartey.

Ma jirto ilaa hadda cid sheegatey in ay weerarkan fulisey oo ka danbeysey, laakiin weerarada caynkan ah badankood waxay ka yimaadaan malayshiyaadka ururka Daacish. Dhamaadkii sanadkii hore waxaa maamulka dalka Ciraaq ku dhawaaqeen in ay soo afjareen dagaalkii ay kula jireen Daacish oo ay ka guuleysteen, laakiin kooxda ayaa weli ah kuwo ka hawlgala goobo dhanka waqooyi uga beegan caasimadda Baqdaad.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *