Donald Trump: “Maya Ma Ahi Cunsuri”

Published: January 15, 2018

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa inkiray ama diidey in uu yahay cunsuri kadib murankii ka dhashey eraygii uu ugu yeeray dalalka Afrikaanka ah iyo Haiti in ay yihiin “Dalal Musqul ah”

Koox weriyaal ah oo hor istaagey goobta uu ciyaarta Golf-ka ku ciyaaro Trump ee West Palm Beach maalintii Axadda ayaa ka dalbadey in uu ka hadlo oo faallo ka bixiyo shakiga laga qabo in uu yahay cunsuri.

– Maya, maya, anigu maahi cunsuri. Waxaan ahay qofka ugu cunsuriyadda yar ee aad waraysi ka qaadaan weligiin, ayuu ku jawaabey Trump.

Waa markii u horeysey ee Madaxweynaha Maraykanku ka jawaabo eedayamaha cunsurinimo ee loo jeediyey.

Su’aasha Trump la weydiiyey ayaa salka ku haysa kadib markii uu dalalka El Salvador Haiti iyo kuwo ku yaala qaarada Afrika ugu yeeray in ay yihiin Musqul, shir looga hadlaayey sharciga magangalyadoonka sida kumeelgaarka ah u jooga Maraykanka maalintii Khamiista.

Trump ayaa mar kale ku celyey in aanu isticmaalin eraygaas carada badan dhaliyey maalintii khamiista, shirkaas oo ay fadhiyeen Xildhibaano ka tirsan aqalka sare oo ka mid ah kuwa Jamhuuriga.

Senatorada fadhiyey shirka Trump ka sheegay erayga xanaaqa iyo carada keenay ayaa markhaantiyo kala duwan bixiyey.

Midowga Afrika oo ka kooban 54 dal ayaa ka dalbadey trump in uu ka laabto eraygaas raaligelina ka bixiyo taas oo aan weli dhicin.

Note: erayga Trump isticmaaley ee “Shithole” ayaan la ahayn fasiraad sax ah oo Soomaali ah waxaana ugu dhaw MUSQUL

Horseed media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *