Ururka Shabaab oo la wareegay deegaanka Daynuunay

Published: January 16, 2018

Dagaalyahano ka tirsan Maleeshiyada Shabaab ayaa weerar ku soo qaaday deegaanka Daynuunay oo qiyaastii 25KM dhanka Bari kaga beegan magaalada Baydhabay ee xarunta gobolka Bay.

Dagaal culus oo u dhaxeeyay ciidamada maamulka Koofur-Galbeed iyo Shabaab ayaa ka dhacay deegaankaasi, iyadoo markii dambe la ay u suurta gashay in ay Al-Shabaab la wareeegto deegaankaasi kadib markii ay dhowr jiho ka weerartay deegaanka Daynuunay

Dadka deegaanka ee ku sugan deegaanada dhaca duleedka Baydhabo ayaa saxaafadda u sheegay in ay maqlayeen hubka culus ee la isu adeegsanayay lamana oga khasaaraha ka dhashay dagaalka .

Al-Shabaab ayaa sheegtay in ay la wareegeen deegaano dhaca duleedyada magaalada Baydhabo sida Daynuunay iyo Goof-gaduud. iyadoo Al-Shabaab ay dhowr jeer oo hore weerar ku qaaday deegaanadan, waxaana deegaanka daynuunay oo ah deegaan istiraatiiji ah uu u dhaxeeya Baydhabo iyo Buurhakaba.

Horseed Media 2018

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *