Askeri ka tirsan Ciidanka Puntland oo lagu Dhaawacay magaalada Gaalkacyo

Published: January 17, 2018

Koox hubeysan ayaa xaafadda Saalama magaalada Gaalkacyo ku dhaawacay Askeri ka tirsan waaxda canshuuraha ee dowladda hoose ee degmada Gaalkacyo.

Askeriga la dhaawacay ayaa lagu magacaabaa Muuse Afriix, waxaana lagu weeraray halka lagu magacaabo Falluuja sida uu warbaahinta gudaha u xaqiijiey sarkaal ka tirsan Waaxda Canshuuraha ee Maamulka Puntland.

Dhaawaca Askeriga ayaa la geeyey isbitaalka Maxamad Jaamac ee magaalada Gaalkacyo si xaaladiisa caafimaad lagu tacaaalo,

Kooxda dableyda ah ee dhaawacay Askeriga ayaa baxsaday, waxaan goobta soo garaay ciidamo ka tirsan kuwa Puntland oo baaritaano ka sameeyey goobta uu falka ka dhacy.

Magaalada Gaalkacyo ayaa horey waxaa uga dhacay dilal qorsheysan iyo qaraxyo waaweyn, kuwaasi oo mas’uuliyadooda ay sheegteen maleeshiyada Shabaab.

Horseed Media 2018

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *