Baarlamaanka Puntland oo kulan ka yeeshay xaalada Tuka-raq

Published: January 18, 2018

Kulan deg-deg ah oo wadatashi ayaa waxaa isugu yimid Xildhibaanada Golaha Wakiilada ee Puntland, kaas oo looga hadley xaaladda colaadeed ee ka dhex aloosan Puntland iyo Somaliland kadib markii Somaliland duulaan ku qabsatey Tuka-raq oo ahayd xarun aan ciidamo ku sugneyn, isla markaana ka mid ahayd goiobaha fara kutiriska ah ee Puntland ka joogto gobolka Sool.

Dood ay yeesheen Xildhibaanadu ayaa laga soo saarey war murtiyeed ka kooban qodobo dhawr ah oo ay ka mid yihiin.

  • In la taageero qorshaha xukuumadda Puntland ee sugudda amniga sida uu qabo dastuurka Puntland.
  • In Baaralaamnku si dhaw ula socdo xaaladda difaaca waxaana ay iska dhex magacaabeen guddi gaar ah.
  • Xildhibaanada ayaa bulshada reer Puntland ugu baaqey in laga qaybqaato difaaca Puntland meel kasta oo ay joogaan.
  • Xildhibaanada Golaha Wakiilada Puntland ayaa baaqooda ku sheegay in ay ummadda Soomaaliyeed iyo beesha caalamkaba ku wargelinayaan in Puntland duullaan diyaar u ahayn iyo colaad kana shaqeyneysey nabad iyo wada noolaansho laakiin Somaliland ku soo xadgudubtey marar badan.

Xaaladda Tukaraq ayaa ah mid colaadeed, waxaana labada dhinacba ay keeneen ciidamo aad u faro badan. Madaxweynaha Somaliland ayaa lagu casumey Adis Ababa waxaana la aaminsan yahay waxyaabaha lagala hadley in ay ka mid ahayd in uu ciidankiisa dib ugu soo celiyo halkii ay ku sugnaayeen ka hor 8 Janaayo.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *