Dhuusamareeb oo laga taagey calanka Galmudug iyo Cadaado oo gadoodsan

Published: January 18, 2018

Maantey oo khamiis ah waxaa lagu qabtey xarunta gobolka Galguduud ee Dhuusamareeb ahna caasimadda maamulka Galmudug munaasabad lagu dhamaystirayo heshiiskii Jabuuti ee dhex marey Suufiyiinta Ahlu-sunnah ee ka taliya Dhuusamareeb iyo Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geele Xaaf oo Cadaado u ahayd xarun kumeel gaar ah.

Munaasabadda lagu dhamaystiray heshiiskaas waxaa ka qayb-galay Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Madaxweynayaasha maamulada Puntland iyo Koonfur Galbeed, ergo ka socota beesha caalamka oo uu ugu horeeyo Ergayga Qaramada Midoobey Michail Keating.

Munaasabadda kadib ayaa xarunta maamulka ee Dhuusamareeb laga taagey calanka maamulka Galmudug iyo kan Qaranka Soomaaliya, taas oo muujineysa in heshiisku si rasmi ah u dhaqan galay.

Laakiin magaalada Cadaado ee horey u martigelisey shirkii lagu dhisey Galmudug ahaydna xarun kumeel-gaar ah ayaa mudaaharaado looga soo horjeedo munaasabaddaasi ka dhaceen.

Maalintii shalay waxaa Cadaado loo direy Xildhibaano iyo Wasiiro ka dhashey Beesha u badan ee degta Cadaado, kuwaas oo loo direy in ay bulshada qanciyaan, laakiin waa ku guuldaraysteen.

Cadaado ayaa dooneysa inta aan la dhamaystirin heshiiska in la caddeeyo maqaamka Cadaado, waxaana ay doonayaan in laba mideed la yeelo in Cadaado noqoto xarunta gobolka Galuduud ama loo daayo in ay noqoto caasimadda Galmudug, oo Dhuusamareeb aysan isku darsan caasimad iyo weliba xaruntii gobolka.

Maamulka Galmudug ee marlabaad la dhisay sanadkii 2015 ayaa qaybsanaa, waxaana inta badan magaalooyinka maamulkaas ka talinaayey Suufiyiinta Ahlu-sunnah iyo al-Shabaab.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *