Mideynta maamulada Ahlu-Sunnah iyo Galmudug oo la dhamaystiray -SAWIRO

Published: January 18, 2018

Waxaa maanta si rasmi ah qalinka loogu duugay loona dhamayustirey mideynta maamulada Ahlu sunnah ee Dhuusamareeb iyo maamulka Galmudug ee fadhigiisu ahaa Cadaado.

Munaasabadii dhamaystirka waxaa ka qaybgalay Madaxweynaha JamhuuriyaddaFederaalka Soomaaliya, Madaxweynayaasha dowlad Goboleedyada, Puntland, Hirshabeelle, Koonfur Galbeed, Guddoomiyaha Gobolka Benaadir Mudane Taabit Cabdi Maxamed, Wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Michael Keating, danjireyaasha wadama Jabuuti iyo Kenya, Wakiillada Urur Goboleedka IGAD iyo Midowga Afrika ee Soomaaliya, xubno ka tirsan Golaha Xukuumadda, Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu baaqay bulshada deegannada Galmudug in ay kaalintooda ka qaataan dhaqan gelinta heshiiska mideynta Galmudug.

Madaxweynaha oo ka qeyb galayey munaasabad ku saabsan dhaqan gelinta heshiiska ayaa uga mahad celiyey dowladda aan walaalaha nahay ee Jabuuti iyo Urur Goboleedka Wadamada Geeska Afrika ee IGAD kaalinta ay ka qaateen, isagoona sidoo kale bogaadiyey biseylka siyaasadeed iyo isu-tanaasulka ay muujiyeen Madaxweyne Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan.

“Maanta waa maalin reer Galmudug ay ka baxayaan kala qeybsanaanta iyo colaadaha ka jirta gobolladan. Waa guul u soo hoyatay guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.”

Madaxweyne Farmaajo ayaa xusay kaalinta qiimaha badan ee dhisitaanka iyo marti gelinta Dowlad Goboleedka Galmudug ay ka qaateen shacabka iyo wax-garadka magaalada Cadaado oo xarun kumeel gaar ah u ahayd.

” Heshiiskan waa bilow wanaagsan, waxaase waajib ah in cid kasta laga qanciyo tabashadooda, heshiiskana horay loo sii amba qaado. Bulshada Galmudug maanta ma xamili karaan in ay isugu darsamaan culeys dhanka nolasha ah iyo mid colaadeed.”ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Heshiiska ahlu-sunnah iyo Galmudug lagu mideeyey oo lagu qabtey dalka Jabuuti ayaa dhigaya in maamulka Galmudug ku shaqeeyo Dhuusamareeb oo Caasiamd u ah, sido kale la siiyo Ahlu-Sunnah xil u dhigma Raysalwasaare kaas oo loogu yeeray Guddoomiyaha Golaha Wasiirada oo uu noqonaayo Sheekh Shaakir.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *