Garoonka Muqdisho oo laga soo dejiyey Maxaabiis laga keeney Dalka India

Published: January 19, 2018

Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho waxaa gelinkii dambe ee maanta laga soo dejiyay ilaa 40 maxaabiis ah oo laga keenay dalka India, kuwaasi oo dhammeystay xukun ay horey ugu riday maxakamada ku taala Dalkaasi.

Waxaa ku soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha Ra`iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, guddoomiye kuxigeenka 2-aad ee Golaha Shacabka Mahad Cabdalla Cawad iyo maadax kale.

Ra`iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay in maxaabiistan ay qeyb ka yihiin maxaabiis horey looga soo daayay ilaa 3 dal,wuxuuna intaasi ku daray in 70 kale oo kujira xabsiyada Dalka India dhawaan la keeni doono Soomaaliya.

Mudane Mahad Cabdalla Cawad guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee Golaha Shacabka ayaa uga mahad celiyay Xukuumadda Soomaaliya dadaalka ay ku bixinayso sidii loo soo deyn lahaa muwaadiniinta Soomaaliyeed eek u xir xiran xabsiyada Caalamka.

Dowladda Soomaaliya ayaa horey ugu guuleysatay in ay sii dayso maxaabiis badan oo ku jirtay xabsiyo ku yaala Dalalka Itoobiya iyo Jaziiradda Seychelles, dalka India ayaa ka mid ah wadamada ay ku xir-xiran yihiin maxaabiis Soomaaliyeed.

Horseed Media 2018

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *