Baarlamaanka Maraykanka oo isku mari waayey ansixinta Miisaaniyadda

Published: January 20, 2018

Xafiisyada iyo Hay’adaha federaalka Maraykanka ayaa wajahayaha dhaqaale la’aan kadib markii Xukuumadda iyo Xildhibaanada labada aqal isku fahmi waayeen meel-marinta Miisaaniyadda.

Xisbiyada Dimuquraadiga iyo Jamhuuriga ayaa ku heshiin waayey in la ansixiyo miisaaniyada cusub, iyadoo caqabadaha ugu waaweyn ay kamid tahay in miisaaniyadda lagu daro dhaqaalaha ay helayaan dadka loo yaqaan Dreamers-ka ee waalidkood sida sharci darrada ah ku soo galeen Maraykanka kuwaas oo ku dhashey ama ku koray Maraykanka, waxaana qorshahan riixaya Xisbiga Dumoqraadiga, waxaana si weyn uga soo horjeeda Xukuumadda Donald Trump iyo qaar kamid ah Xildhibaanada Xisbiga Jamhuuriga.

Aqalka Cad ayaa xirida hay’adaha dowliga ee federaalka ku eedeeyey Xisbiga Dimoqraadiga, waxaana ay sheegeen in laga maarmi karey xiritaanka.

Xiliga kama danbeysta ah ee la doonaayey in miisaaniyadda lagu ansixiyo ayaa ahayd xalay saqdii dhexe.

Waa markii labaad ee ay dhacdo Shutdown kadib xiligii Obama ee 2013 xiligaas oo jamhuuriyiintu diideen meelmarinta Miisaaniyadda oo ay ka soo horjeedeen Obamacare.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *