Guddoonka Baarlamaanka Soomaaliya oo ka hadlay cidda leh go`aan ka gaarista Maqaamka Muqdisho

Published: January 20, 2018

Guddoonka Golaha shacabka Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa War saxaafadeed ka soo saaray go`aan ka gaarista Maqaamka Caasimadda ee Magaalada Muqdisho.

War-saxaafadeedka ayaa lagu yiri go’aanka gaarista Maqaamka Muqdisho waa awood gaar u ah Baarlamaanka, Iyadoo Maqaamka magaalada madaxda Federaalka go`aan looga gaari doono dib u eegidda dastuurka, waxaana sharci gaar ah ka soo saari doona labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Sidoo kale Guddoonka Golaha shacabka ayaa sheegay in ay lagama maarmaan tahay in si wadajir ah looga hortago wax walba oo keeni kara khilaafaad Dastuuri ah iyo xasilooni darro siyaasadeed

Hoos ka akhriso War-saxaafeedka ka soo baxay Guddoonka Golaha shacabka.

Horseed Media 2018

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *