Madaxweynaha Soomaaliya oo gaaray Caabudwaaq

Published: January 20, 2018

Mudane Maxamad Cabdullaahi Farmaajo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray Degmada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Wafdiga la socda ayaa si weyn loogu soo dhaweeyey Caabudwaaq, iyadoo ay halkaasi ay ku soo dhaweeyeen qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan degmada.

Madaxweyne ayaa ka soo amba baxay Magaalada Guriceel isla markaana soo maray Deegaanada kala ah Balanbale iyo Xeraale oo ka tirsan Gobolka Galgaduud, iyadoo halkaasi si diiran ay ugu soo dhaweeyeen qeybaha Bulshada ee ku dhaqan halkaasi.

Madaxweyne Maxamad Cabdullaahi Farmaajo waxaa Socdaalka ku wehliyay Madaxweynaha Galmudug, Madaxweyne Kuxigeenka iyo Madaxa Golaha Xukuumadda ee Dowlad Goboleedka Galmudug, Wasiirro heer Federaal iyo heer Dowlad Gobolleed ah, Xildhibaanno ka tirsan labada Aqal ee dowladda Federaalka iyo madax kale.

Horseed Media 2018

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *