Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo loo Magacaabay Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yarisow

Published: January 21, 2018

Xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Soomaaliya Wareegto ka soo baxday ayaa lagu Magacaabay Guddoomiyaha Cusub ee Gobolka Banaadir iyo ku xigeenadiisa. Madaxweynaha ayaa Wasiirkii Warfaafinta Cabdiraxmaan Yariisow u magacabey in uu noqdo Guddoomiyaha cusub ahna duqa magaalada Muqdisho.

Wareegtada Madaxweynaha ayaa imaanaysa khilaaf soo kala dhexgalay Xukuumadda Federaalka iyo Guddoomuiyaha xilka laga qaadey Thaabit Cabdi, kadib markii uu isku dayey in uu Muqdisho u sameyo maqaam gaar ah isaga oo aan marin Baarlamaanka, sidoo kale isku dayey in uu Muqdisho ku qabto shir aanu kala tashan xukuumadda, waxaana uu wadey qorshe Dowald goboleed loogu samaynaayo Banaadir.

Thaabit ayaa isku dayey in uu xilka ku sii hayo cadaadis uu dowladda ku saaro dhanka odoyaasha kadib markii uu shiriyey odoyaasha beeshiisa oo baaq taageero ah soo saarey.

Xukuumadda Federaalka iyo guddoomiyaha xilka laga qaadey ayaa sidoo kaler isku qabtey dhul la sheegay in uu shirkad ganacsato ka iibiyey kaas oo ahaa dhul Dowladdu leedahay.

Wareegtada Madaxweynaha ayaa loo qoray sidan:

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamad Farmaajo Markuu arkay soo jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib-u-heshiisiinta, Markuu Wadatashi la sameeyey, isla markaana dhageystey talooyinka Ra`iisul Wasaaraha Soomaaliya

Madaxweyahu waa uu u Magacaabay Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yarisow Guddoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho;

Maxamed Cabdullaahi Maxamed ayaa isna loo magacaabay Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Amniga iyo Siyaasaddaa. Xuseen Maxamad Nuur waxaa loo magacaabay Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Maamulka & Maaliyada.

Marwo Basma Cumar Axmad waxaa loo magacaabay Guddoomiye ku xigeenka Arrimaha Bulshada & Wacyi gelinta. Aadan Sheekh Cali Fidow waxaa loo magacaabay Guddoomiye ku xigeenka howlaha guud

DHAMAAD

Ka hor inta aan xilka laga qaadin Thaabit, waxaa wareegto lagu mamnuucayo in la wareejiyo dhulka danta guud soo saarey Madaxweynaha, sidoo kale Baarlamaanka ayaa soo saarey war saxaafadeed ay uga digayaan cid aan iyaga ahayn in ay Muqdisho u samayso maqaamkeeda, taasna ay tahay mid baarlamaanka keliya lee yahay sida uu qabo dastuurku.

Taabit ayaa xilka waayey isaga oo ay weli u xiran tahay maradii caseyd ee uu xirtey qaraxii Zoope kadib.

Horseed Media 2018

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *