Wasaaradda Arrimaha Dastuurka oo kulan la yeelatay Ururada Ardayda Soomaaliyeed

Published: January 21, 2018

Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulan wadatashi ah la yeelatay Ururada Ardayda Soomaaliyeed, kulanka intii uu socday ayaa looga hadlay doorka ardayda ee Geedi-socodka Dib-u-eegista Dastuurka.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Mudane Maxamed Abuukar Zubeyr ayaa kulanka ku soo dhaweeyay ka qayb-galayaasha oo ka kala socday ku dhawaad 50 Jaamacadood oo dalka ka jira, waxa uuna Agaasimaha Guud sharxay sida ay Wasaaradda u dooneyso in ardayda ay kaalin wayn ka qaataan Arrimaha Dib-u-eegista Dastuurka.

Sidoo kale, Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Mudane Xuseen Cabdi Cilmi ayaaa ardayda u sheegay in Wasaaradda ay talooyinka dhalinyarada tixgelin doonto.

“Waxbarashada waa sida ugu wanaagsan ee dal lagu hormarin karo, waa lagama maarmaan in dadka ardayda ah ee in ay waxbartaan go`aansaday ay ka qaybgalaan Geedi-socdoka Dib-u-eegista Dastuurka; Wasaaradda waxa ay aad u tixgelin doontaa talooyinka aad soo jeedisaan” ayuu yiri Mudane Xuseen Cilmi.

Ugu dambayn, ardayda kulanka ka soo qaybgashay ayaa soo jeediyeen talooyin badan oo ay kamid ahayd in Dastuurka lagu barto Jamaacadaha iyo goobaha kale ee waxbarashada.
—–DHAMAAD—–

Faafin Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *