Madaxweynaha oo kulamo wadatashi la qaatay culumada iyo odayaasha dhaqanka ee Caabudwaaq-Sawiro

Published: January 22, 2018

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulamo wadatashi ah kula qaatay magaalada Caabudwaaq culumada iyo odayaasha dhaqanka isla markaana ugu baaqay in ay dar-dargeliyaan kaalinta ay ku leeyihiin nabadeynta iyo dib u heshiisiinta bulshada deegaanka.

Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajoayaa sheegay in odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed ay asaas u yihiin arrimaha dib u heshiisiinta, kaalin muhiim ahna ay ka soo qaateen samatavbixinta dalka, balse haatan looga fadhiyo dhammeystirka dadaalaadaas iyo sidii ay u horseedi lahaayeen xaqiijinta bulsho mideysan oo u jiheysan dhanka horumarka iyo wax wada qabsiga.

Kaddib is xog wareeysi ku saabsan caqabadaha la xiriira dib u heshiisiinta magaalada Caabudwaaq iyo talooyin ay soo jeediyeen waxgaradka uu la kulmay Madaxweynuhu, waxa ay isla garteen sidii loo yagleeli lahaa guddi ka shaqeeya nabadeynta iyo wadashaqeynta odayaasha dhaqanka magaalada Caabudwaaq iyo deegannada hoos yimaada.

Sidoo kale, Madaxweyne Farmaajo oo kulan gaar ah la qaatay culimada ayaa bogaadiyey kaalinta ay ku leeyihiin wacyigelinta bulshada deegaanka, isagaoona ku ammaanay sida ay ugu taaganyihiin joojinta coolaadaha iyo khilaafaadka hareeyay nolasha iyo horumarka bulshada.

Madaxweynaha ayaa yiri “Waxaan idiin wadnaa fursad aad ka faa’iideysan kartaan. fursaddaasi waxa ay tahay inaan idiin keenno adeegyadii ay magaalada u baahnayd, adeegyadaasna ma imaan karaan haddii ay magaaladan kala qeybsantahay.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maalinkii saddexaad ku sugan magaalada Caabudwaaq ayaa wada dadaallo iyo wadatashiyo ku saabsan dardargelinta hawlaha dib u heshiisiinta iyo nabadeynta oo saldhig u ah qorshaha socdaalka uu ku maray qeybo ka mid ah gobollada dalka

Horseed Media 2018

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *