Ra`iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Geneva kaga qeyb galaya Shirka Dhaqaalaha Adduunka

Published: January 22, 2018

Mudane Xasan Cali Kheyre Ra`iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa u amba baxay magaalada Geneva ee dalka Switzerland, waxa uuna kaga qeyb galayaa shir looga hadlayo dhaqaalaha adduunka.

Waxaa ka qeyb geli doona shirka ka furmaya magaalada Geneva Madax ka socota Qaaradda Afrika, waxaana si gaar ah looga hadli doonaa kobaca dhaqaalaha adduunka iyo sidii loo taageeri lahaa dalalka soo koraya.

Ra`iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Cali kheyre sheegay in shirkan uu yahay mid muhiimad gaar ah u leh Soomaaliya, maadaama ay ku jirto dalalka yar ee Africa ka tirsan ee lagu casuumay shirka.

Ra`iisul Wasaare Kheyre ayaa lagu wadaa inuu shirar gooni-gooni ah ah la yeesho Madaxda ka qeyb galeysa shirkan.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan sheegtay in ay dib u habeyn ku sameysay nidaamka Canshuuraha dalka, taasoo ka qeyb qaadan karta in dhaqaalaha Soomaaliya uu kor u kaco.

Horseed Media 2018

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *