Taabit oo ka hadley sababta xilka guddoomiyaha Banaadir looga qaadey -DAAWO

Published: January 22, 2018

Guddoomiyihii gobolka Banaadir ee xilka laga qaadey Taabit Cabdi Maxamed ayaa markii u horeysey ka hadley xil ka qaadistii lagu sameeyey sababta uu aaminsan yahay isagu in ay keentay. Taabit ayaa saxaafadda la hadley habeenkii xalay kadib markii uu kulan la qaatey saraakiil ka socotey qaybaha ciidamada, guddoomiyaha cusub ee xilka loo magacaabey Cabdirtaxmaan Yariisow iyo qaar kamid ah Wasiirada oo Dowaldda federaalka ah oo uu kamid yahay Wasiirka amniga gudaha.

Taabit waxa uu sheegay in sababta uu aaminsan yahay isagu in ay khilaafka keentay ay tahay in uu isku dayey in uu baadigoobo xuquuq uu sheegay in ay ka maqan tahay shacabka gobolka Banaadir oo gaaraya 3 milyan sida uu ku qiyaasay, waxayna u baahan yihiin ayuu yiri metalaad dhab ah.

Xasiloonida Muqdisho iyo gobolka Banaadir ayuu in ay u baahan tahay nabadoonimo iyo sareynta sharciga, waxaana hadalkan u muuqdey mid uu ku muujinaayey mowqifkiisi weerarkii guriga Cabdiraxmaan Cabdsishakiir.

Qodobka saddeexaad ayuu ku sheegay shirkii wadatashiga ee isku dayey in uu qabto kaas oo uu ugu yeeray dadka ka qaybgalaya Muqdishaawiyiin.

Taabit ayaa ballan qaadey in uu xilka wareejinaayo, laakiin wuxuu dalbadey in xayiraada laga qaado aqalka Dowladda Hoose.

Taabit waxa uu ka mid ahaa dadkii la soo shaqeeyey Madaxweyne Farmaajo ka hor doorashadiisi kana qaybqaatey olalihii doorashada, sidoo kale waxa uu saaxiib dhaw la ahaa raysalwasaare Kheyre, waxaana uu ka sheekeeyey in ay Madaxda Dowladda si dhaw u soo wada shaqeeyeen oo soo wada gaareen go’aano masiiri ah.

Daawo War saxaafadeedkiisda

https://youtu.be/0Wk2BFZAYy8

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *