Madaxweynaha Jubbaland oo la kulmay Gudoomiyeyaasha Degmooyinka-Sawiro

Published: January 23, 2018

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland ee Soomaaliya Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa Xarunta Madaxtooyada marti qaad ugu sameeyay Gudoomiyayaasha Degmooyinka Jubbaland iyo xubno maamul oo maalmahan Kismaayo u joogay Barnaamijka Hormarinta Degmoyinka oo ay fulinayso Wasaarada Arimaha Gudaha.

Wasiirka Arimaha Gudaha Mudane Maxamed Warsame Darwiish ayaa sheegay in Degmooyinka qaar ay ka bilaabayaan dhawaan shaqooyin la xiriira hormarinta Bulshada sida Caafimaadka, Waxbarashada, biyaha iyo jidadka iyadoo lala kaashanayo maamulada Degmooyinka iyo Bulshada.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegay in qorshaha hormarinta Magaalooyinka uu saldhig u yahay hanan furan oo loo wajahayo adeegyada Bulshada isla markana dhinacyo badan laga eegayo.

Waxaa uu hoosta ka xariiqay in kaabayaasha dhaqaalaha la kobcinayo iyadoo la hirgalinayo qorshaha kobcinta dhaqaalaha oo Wasaarada Maaliyadu ay garwadeen ka tahay.

Madaxweynahu wuxuu xusay in ammaanka deegaanada oo wanaagsan lagaga faa”iidaysan doono in la hormariyo Bulshada.

Isagoo ka hadlayay hanaanka hirgalinta golayaasha deegaanka ayuu Madaxweynahu sheegay in ay meel wanaagsan marayso dar-dar galinta hawshan oo Wasaarada Arimaha gudahu ay gacanta ku hayso.

Deegaanada Buurdhuubo iyo Dhoobley ayuu Madaxweynahu xusay in golayaasha deegaanka ay xubno ku yeelan doonan wixii farsamo ahaan dhimana la dhammaystirayo.

-DHAMMAAD-
Faafin Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *