Madaxweynaha Soomaaliya oo Magaalada Cadaado u Magacaabay Xarunta Baarlamaanka Galmudug

Published: January 23, 2018

Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamad Cabdullaahi Farmaajo ayaa la sheegayaa in uu xaliyey xiisadii siyaasadeed ee ka taagnayd Magaalada Cadaado, kadib markii uu la kulmay Odayaasha iyo Waxgaradka Cadaado.

Mudane Maxamad Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulanka uu la qaatay Odayaasha iyo Waxgaradka Cadaado kaga dhegeystay cabasho ay ka muujiyeen heshiiskii Galmudug iyo Ahlusuna, iyadoo Odayaasha Beesha Cadaado ay u soo jeediyeen Madaxweynaha qodobo fra badan oo ay ka mid tahay in la caddeeyo maqaamka ay yeelaneyso Magaalada Cadaado.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku dhawaaqay in Cadaado ay noqoneyso Xarunta Baarlamaanka Galmudug oo fadhi u noqoneyso Guddoonka Baarlamaanka iyo Xildhibaanada.

Waxgaradka iyo Odayaasha Beesha Cadaado ayaa dhankooda la sheegay in ku ogolaadeen go`aanka Madaxweynaha

Intaasi kadib Madaxweynaha ayaa dhagax-dhigay garoonka diyaaradaha Magaalada Cadaado, taasoo qeyb ka ah mashaariicda horumarineed ee laga fulinayo deegaanada Galmudug, islamarkaana u amba baxay degmada Hobyo

Horsed Media 2018

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *