Taliyihii Ciidanka Booliska Degmada Goldogob oo la dilay

Published: January 24, 2018

Taliyaha Ciidanka Booliska Degmada Goldogob Cabdixamiid Warsame Cilmi ayaa lagu dilay inta u dhexeysay Degmada Buur-Saalax iyo Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug

Dilka Taliyaha ayaa yimid kadib markii ay ka shakiyeen gaari uu watay Taliyaha Ciiidamo ku sugnaa kantaloolka laga soo gala Degmada Buur-Saalax sida uu goob jooge u sheegay Horseed Media

..Xili habeen ah ayey ahayd, Ciidanka waxa ay ka shakiyeen gaariga uu watay Taliyaha, kadibna rasaas ayey ku fureen sidaa ayuu ku geriyooday Taliyaha ayuu yiri goob joogaha

Meydka Taliyaha ayaa la geeyey isbitaalka degmada, iyadoo 4 ka mid ah ciidankii la dhigay xabsiga magaalada Buur-Saalax.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka Puntland ayaa gaaray degmada Buur-Saalax dilka kadib iyadoo shacabka degmadaasi saakay ay ku waaberiisteen Ciidamo fara badan oo gaaf wareegaya degmada.

Horseed Media 2018

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *