Madaxweynaha Puntland oo Magacaabay Taliyeyaasha Ciidanka Booliska

Published: January 25, 2018

Madaxweynaha Puntland ayaa Magacaabay Taliyeyaasha Ciidanka Booliska Puntland kadib wareegto ka soo baxday Xarunta Madaxtooyada.

Dr.Cabdiweli Maxamad Cali Gaas ayaa Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland u magacaabay S/G Cabdullaahi Shire Dool, isla markaana xilkii ka qaaday Taliyihii hore ee Ciidanka Booliska Cabdiqaadir Shire Faarax Ereg.

Sidoo kale Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiweli Maxamad Cali Gaas ayaa Taliye ku xigeenka koowaad ee Ciidanka Booliska Puntland u Magacaabay Gaashaanle Sare Bile Faarax, halke Taliye ku xigeenka labaad uu u Magacaabay Gaashanle Sare Cusmaan Xassan Cuuke.

Hoos ka Akhriso Wareegtada ka soo baxday Madaxweynaha Puntland.

Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiweli Maxamad Cali Gaas Markuu arkayDatuurka Puntland.Markuu tixgeliyey Aqoontooda iyo khibradooda shaqo.Wuxuu xeeriyey, isla markaana Magacaabay Taliyeyaasha Ciidanka Booliska Puntland

S/GUUTO Cabdullaahi Shire [Dool] ayaa loo magacaabayTaliyaha Ciidanka Boosliska Puntland

G/Sare Bile Faarax Cali ayaa loo magcaabayTaliye ku xigeenka Koowaad ee Ciidanka Booliska Puntland.

WaxaaG/Sare Cusmaan Xassan Cuukeloo magcaabayTaliye ku xigeenka Labaad ee Ciidanka Booliska Puntland.

Xeerkani wuuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxwaynuhu saxiixo wuuna saxiixay.
=DHAMMAAD=

Horseed Media 2018

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *