Maxaa looga hadlay Shirkii Golaha Wasiirada ee Jubbaland ?

Published: January 25, 2018

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland ee Soomaaliya Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa shir gudoomiyay kulanka caadiga ah ee golaha Wasiirada.

Golaha waxaa loo qeybiyay Laba Hindise Sharciyeed oo kala ah Hindise Sharciyeedka Xeerka Shaqaalaha Ra’yidka ah iyo Hindise sharciyeedka dhismaha gudiyada Shaqaalaha Ra’yidka ah kaas oo uu soo diyaariyay Komishinka Shaqada iyo Shaqaalaha Jubbaland.

Labadan Hindise Sharciyeed waxaa kale oo weheliya Xeer hoosadyada uu ku shaqaynayo Komishinka kuwaas oo golahu ay soo akhrin doonan kadibna loo gudbin doono Golaha Shacabka Jubbaland.

Sidoo kale golahu wuxuu warbixin la xiriirta shaqada Wasaaradaha ee Sanadkii tagay ka dhegaystay qaar kamid ah Wasaaradaha Dowlada iyadoo inta dhimana lagu booriyay in fadhiyada kale ee golaha ay keenaan.

-DHAMMAAD-

Faafin Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *